PROF. YAXYE:- “Gabdho yaryar ayaa lagu dhibaateya Kaniiniga Viagra Ee Xoojiya Xubinta Taranka Ragga ”

January 18, 2020 (Awdinle Online) –Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ku taqasusay cilmiga dhaqaalaha ayaa markii ugu horeysay daraasad ku sameeyay dhibaatooyinka ay bulshada Soomaaliyeed ku hayaan isticmaalka daroogada noocyadeeda kala duwan, sida Qaadka iyo Xashiishka, wuxuuna ka digay haddii aan laga hortegin faraha ka sii baxeyso khatarta dhinaca nolosha ah bulshada qeybaheeda kala duwan.

Aqoonyahanka ayaa sheegay kaniiniga lagu magacaabo (Viagra) oo xoojiya xubinta taranka ragga ay ugu weyn tahay dhibaatada dawadaasi sida khaldan loo isticmaalayo taasi oo sababtay inay isticmaalaan dhallinyaro iyo rag da’ dhexaad ah.

Prof. Yaxye ayaa sheegay in dalka aanu ka jirin nidaam xakameynaya dawooyinka dalka la soo geliyo iyo xarumaha lagu iibiyo dawooyinka, kuwaasi oo Soomaalida inteeda badan caado u noqotay inay iibsadaan dawooyin aan dhaqtar u qorin.

“Kaniiniga Viagra ee xoojiya xubinta taranka ragga waxaa lagu dhibaateeyay gabdho yaryar oo markoodii hore la noolaa duruufo dhinaca nolosha ah” ayuu yiri aqoonyahanka oo sheegay dhinaca kale in dowladda federaalka ciidamo u qortay dhallinyaro caan ku ah buundooyinka iyo meelo ka mid ah bartamaha magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isticmaala koolada, xashiishka, calaqa iyo maan dooriyeyaal kale.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda dhexe ee federaalka inay dhallinyaradaasi ciidameysay isla markaana u dhiibtay qori isla markaana la arkayo iyagoo dib ugu laabtay maadaama daroogadii ay isticmaali jireen jirkooda ku jirto.

“Ciyaalka dowladdu ciidameysay lama aamini karo qoryaha loo dhiibay” ayuu yiri Prof. Yaxye Sh. Caamir oo ku eedeeyay dowladda inay dusha u ridaneyso khatarta ay bulshada kala kulmaan ciyaalkaasi, wuxuuna ku taliyay in la ururiyo dhallinyaradaasi laguna dhaqan celiyo xeryo gaar ah ilaa iyo inta jirkooda ay ka baxeyso daroogada jirkooda ku jirta.

Waxa uu sheegay in ciyaal Diaspora ay ka hoos kaceen kuwo kale oo iyaga isku ekeysiinaya oo aan u aqaano Local Diaspora dhaqankiina ka habaabinaya kuwii qurbaha laga keenay si loo dhaqan celiyo, hase ahaatee siinaya iyadoo waalidka wiilka dalka loo keenay dhaqan toosin ka sii darayo taasina ay meesha ka saarto ujeedadii dalka loo keenay.

“Xarumaha lagu dhaqan celiyo dadka lagu dhaqan celiyo qaarkood waxay ka dhigaan dadka kuwo mustaqbalka noqonaya qof qof kale ku tiirsan” ayuu yiri Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo sheegay in loo geysto jirdil fara badan oo qofka ka dhigaya inuu naafo noqdo iyo dhaawacyo aan ka bogsi lahayn.

Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo la hadlayay radio Dalsan ayaa daraasadiisa waxaa kale oo uu sheegay inuu ka sameeyay Jaadka, isagoona tilmaamay in maanta la marayo reer miyiga in dhiishii ay caanaha ku keeneen dib loo celinayo iyadoo uu Jaad ku jiro, taasina waa caqabadaha ay daroogada ku heyso bulshada qeybaheeda kala duwan.

“Dhiisha caanaha lagu keeno Jaad ayaa lagu qaadaa” ayuu yiri Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo sheegay xitaa in dalka la keenay daroogo budo ah oo sanka laga qaato balse aanu weli helin magaceeda.

kaniini lagu magacaabo “Tramadole” ayuu sheegay Barfasoorku sheegay inuu ka mid yahay dawooyinka dalka la soo geliyay ee dhibaatada ku haya dadka isticmaalaya iyadoo aan dhaqtar u qorin, kaasi oo loogu tala galay qofka dhaawaca ah inuu isticmaalo haddii ay timaado xaalad ka tan badan dhaawaca si uu adkeysi ugu yeesho dhaawaca soo gaaray.

W/Q Jabriil M. Nur (Jabra-shaaciye)

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com