Xubno ka tirsan Musharaxiinta Galmudug oo ka digay ku shubasho

January 18, 2020 (Awdinle Online) –Saddex ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Galmudug ayaa walaac ka muujiyay hanaanka doorashadda maamulka Galmudug, waxaana ay sheegeen in ay walaac ka qabaan in lagu shubto doorashadda.

Musharaxiinta kala ah Cabdullaahi Faarax Wehliye, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Kamaal Guutaale ayaa ku baaqay in doorashada ugu yaraan 21 Cisho dib loo dhigo si loo helo Waqti Ololo.

Waxa ay sheegeen in wali Handaad lagu hayo Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug, islamarkaana hadii ay sii socoto Handadaada ay iska hari doonaan doorashada.

 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com