Xalay Maxaa ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

January 20, 2020 (Awdinle Online) – Shalay Gelinkii dambe iyo Habeenimadii oo dhan Waxaa aad loo adkeeyay amaanka xarumaha Safaaradaha Dowlad Turkiga ee ku taala Degmadda Cabdicasiis ee Xeebta liido, ammaanka Dekadda Muqdisho Xaruumaha Turkidu ee yaala Caasimadda iyo nawaaxiga madaxtooyada Soomaaliya ka dib markii la sheegay in la helay xog sheegeysa in ay Al-Shabaab qorsheeyeen weeraro Beegsi ah.

Xogta ayaa sheegaysa in hay’adaha ammaanka lagu wargeliyay in magaalada Muqdisho ay suurtagal tahay in ay ka dhacaan weeraro si gaar ah loo soo qorsheeye oo gawaari loo adeegsan doono, waxayna arintaas sababtay in la adkeeyo ammaanka goobaha aan soo sheegney oo idil.

Waxaa la baarayaa dhamaan gaadiidka isticmaala goobaha aan soo sheegnay oo aan markii hore baaritaan ka jirin, sidoo kale waxaa la keenay ciidan iyo gaadiid dagaal oo hareeraha laamiyada goobaha aan tilmaaney, kuwaas oo la sheegay in ay ka qayb qaadanayaan ka hortag weeraro iyo ammaanka magaalada Muqdisho.

Lama sheegin nuuca gaadiidka iyo tirada kooxda la sheegay in xogtooda la helay ee weerarka soo ah, laakiin waxaa la sheegay in tiro gawaari ah iyo kooxda saaranba ay ku sugan yihiin Muqdisho.

Xoojinta ammaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha aan kor ku soo xusnay ayaa sidaan oo kale adkaa wixii ka dambeeyay weerarkii sabtidii ka dhacay waddada Afgooye. Sirdoonka Turkiga ayaa sheegay in Al-Shabaab ay doonayaan in xarumahaasi ay weeraraan oo ay ugu horreeyaan Safaaradda Turkiga iyo Dekadda Muqdisho oo ay maamulaan Turkida.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sabtidii weeraray Kolonyo Turki ah oo ku sugnaa meel u dhaw degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada Hoose, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.