Caqabado Waxbarasho iyo Caafimaad oo ka taagan Degmadda Awdiinle

January 24, 2020 (AO) – Wararka ka imanaya degmadda Awdiinle ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in cabaqado ay soo wajaheen hannaanka waxbarashada gaar ahaan in macaliminiinta iskuullada aysan helin mushahar bilihii u dambeeyey iyo in adeegyada caafimaadka aysan jirin.

Maamulka halkaas ayaa sheegay in iskuulada ku yaala halkaas ay qarka u saran yihiin in la xiro, ayada oo macallimiinta ay muddo ku shaqeynayeen mushahar la’aan.

Gudoomiyaha degmadda ibraahim kalaay ayaa waxaa uu codsadey in dowladda Soomaaliya ay caawiso, kana caawiso waxbarashada iyo caafimaadka.