Dowladda Soomaaliya oo kala dirtey Rugta Ganacsiga Gobalka Banaadir (Doc’s)

January 25, 2020 (Awdinle Online) – Warqad kasoo baxdey Xafiiska Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdulaahi Cali Xasan ayaa lagu kala diray Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir.

Talaabadan ayaa ka dambeysay, markii maalin ka hor ay Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaran ee loo yaqaano NISA ay xireen Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo ku-xigeenkiisa oo ku soo baxday xog sheegeysa in magacaabidooda ay kaalin weyn ku laheyd kooxda Al-Shabaab sida ay baahisay laanta af Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da.

Wixii faah faahin ah dib ayaan ka soo sheegi doonaa.

Halkan hoose ka akhriso warqadda