Madaxweyne Farmaajo oo Markii 7aad u Safraya Eritria

January 26, 2020 (Awdinle Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa markii 7aad u safari doona dalka Eritrea, sida uu saacado ka hor bartii Twitter-ka ku qorey Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Aby Axmed Cali.

Dr. Aby Axmed ayaa sheegey inuu Asmara kula kulmi doono hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Eritrea Afwerki iyo Farmaajo, wuxuuna tilmaamay in laga wada hadli doono xaaladaha gobalka geeska afrika.

Sida dadka siyaasada falanqeeyan ay tilmaamayaan, Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi ayaa moodaa inuu si gaar ah xiriir dhow ula leeyahay Madaxweynaha dalka Eritrea Asaias Afwerki.