Ururka Ahlu-sunna oo ku Dhawaaqay Xildhibaano Cusub

January 28, 2020 (Awdinle Online) – Ururka Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee Galmudug ayaa goor dhow waxay kaga dhawaaqeen magaalada Dhuusamareeb 69 Xildhibaan oo Baarlamaanka Galmudug ah, iyadoo 20-kii Xildhibaan ee ay horay u soo xuleen lagu biirin doono.

Tani waxaa ay muujineysaa suurta galnimada in Khamiisti ay ka dhacdo Dhuusamareeb labo doorasho Madaxweyne oo uu Galmudug isku mar ka dhici doonta.

Sidoo kale waxaa magalaadda gaalkacayo ee isla galmudug ka socda dhisme maamul cusub loogu dhisayo isla galmudug oo hormuud ka yahay Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Dadka reer galmudug dhowaan waxaa ay rajeynayaan in helaan sedax Madaxweyne gobaleed oo wada sharci ah.