Qaraxyo lagu burburiyay Kaamirooyinka qarsoon ee NISA Magaalada Muqdisho

January 30, 2020 (AO) – Dadka reer Muqdisho ayaa saakay ku baraarugey jugta ilaa Shan Qarax oo lagu weeraray qaar ka mida ah Kaamirooyinka Dowladdu ugu talagashay in lagu sugo Amniga.

Dowladda Federaalka ah ayaa ku xirtay Kaamirooyinka qarsoon qeybo ka mid ah Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho kuwaa loogu talagalay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada nabad-galyada ka dhanka ah.

Kaamirooyinka la bartilmaameedsaday ayaa gaar ahaan goobaha lagu xiray waxaa Baraha-Koontaroolada lagu baaro gaadiidka lamana oga khasaaraha kale ee ka dhashay qaraxyada.

Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay Laamaha Nabad-galayda Dowladda Soomaaliya oo la xiriira Qaraxyadan lagu bartilmaameesaday Kaamirooyinka qarsoon.

Agaasimaha hay’adda wardoonka soomaaliya ayaa dhowr jeer ku faanay in kaamaradahan ay si buuxda u sugi doonaan amniga magaalada caasimads ah ee muqdisho.