Qarax lala Beegsaday Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir

February 01, 2020 (Awdinle Online) – Faah faahino hor leh ayaa ka soo baxeysa Qarax degmada Dherkeenley lagula eegtay mas’uul ka tirsanaa maamulka degmada Kaxda.

Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay  ayaa lala eegtay gudoomiye Ku-xigeenka degmada Kaxda Cabdinaasir Xasan Cali oo la sheegay in uu dhaawac culus soo gaaray halka qaar ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhinteen.

Baabuurka uu la socday gudoomiye ku-xigeenka Kaxda oo ahaa Toyota Pickup 4×4 oo ah nooca Soomaalida u taqaan Qooqan ayaa wax-yeelo soo gaartay.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxana, mana jirto cid ilaa iyo hada ka hadashay.