Jubbaland oo Sheegtay Cida Fududeysay Baxsashadda Cabdirashiid Janan

February 03, 2020 (Awdinle Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horreysay faah faahin ka bixisay baxsashadii wasiirkii hore ee amniga maamulkaasi, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo muddo u xirnaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baxsashada wasiirka ay u fududeeyeen dhinacyo kala duwan oo ka wada tirsan laamaha amniga ee Dowladda Federaalka ah sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan ayaa ka gaabsaday inuu sheego keliyada magacyada xubnaha ka dambeeyey sii deynta wasiir Janan, balse wuxuu qiray inay jiraan saraakiil sar sare iyo madaxda laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay gacan weyn ka geystay arrintaasi.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey cid kasta oo ka qeyb qaadatay baxsashada Cabdirashiid Janan, islamarkaana garatay in si sharci darro ah lagu heystay mas’uulkaasi.

Cabdirashiid Janan oo garoonka Aadan Cadde laga qabtay 31-kii August ee sanadkii hore ayaa tan markaasi Muqdisho ugu xirnaa dowladda, balse wuxuu Jimcihii isagoo baxsad ahaa doon ku tegay magaalada Kismaayo.

Si kastaba ha’ahaatee Janan ayaa haatan arrimo caafimaad u jooga magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya oo lagu geeyey diyaarad gaar ah oo aheyd nooca milatariga.