Ururka Ahlu-Sunna oo sheegtay inuusan aqoonsaneyn Doorashadii Qoorqoor

February 04, 2020 (AO) – Madaxweynaha Galmudug garabka Ahlusunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ka hadlay Doorashadii maalin kahor ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ee lagu doortay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye qoorqoor.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay in Ahlusunna aysan aqoonsaneyn Doorashadii uu kasoo baxay Madaxweyne Qoorqoor, iyagoona Doorashada ku tilmaamay mid u afduubneyd dowladda Federaalka.

Sidoo kale Ahlusunna ayaa Beesha Caalamka iyo shacabka reer Galmudug u sheegtay in uusan jirin wax wadahadal ah oo u socda dowladda Federaalka iyo garabka Ahlusunna.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Sheekh Shaakir.