Wasiir Cabdirashiid Janan oo saaka ka degey Gobalka Gedo

February 04, 2020 (AO) – War hada aan helney ayaa shaageya in Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo uu Goordhow halkaas gaaray Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo saddexdi maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi.

Cabdirashiid Janan ayaa waxaa Degmada Balad-xaawo si weyn ugu soo dhaweeyay taageereyaashiisa, maamulka Degmada, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Maamulka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada halkaas degan.

Wasiirka amniga Jubbaland ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya oo uu gaaray maamlo ka hor waxaana intii uu ku sugnaa Kenya la sheegay inuu la kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Taliska Ciidanka Booliska dowladda ayaa shaaciyay in 28-ka Bishii Janaayo ee 2020 uu xabsiga ka baxsaday Wasiir Cabdirashiid Janan, isagoona maalmo kadib Doon ku gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ugana sii gudbay Kenya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa la sheegay in Goordhow Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo uu kula hadli doono warbaahinta, isagoona faah faahin ka bixin doona Xarigii dowladda Federaalka ugu geystay Magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka ayaa 31 bishii Agoosto ee sanadkii tegay 2019 Wasiir Cabdirashiid Janan ka qabatay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xili uu kusii jeeday Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, wuxuuna Muqdisho ku xirnaa muddo ku dhow shab Bilood.