Dowladda Federaalka ah oo eedeyn u jeedisay Kenya

February 05, 2020 (Awdinle Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay faragelinta siyaasadeed iyo mida amni ee Dowladda Kenya ay ku hayso gudaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka carootey sida ay tooska ah ee kenya ay ula shaqeyneyso maamulka jubbaland oo horey dowladda ay u sheegtey inaaney aqoosaneyn.

Warsaxaafadeed ay maanta soo saartey Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa si weyn loogu cambaareeyey sida dowladda kenya ula safantahay maamulka Jubaland.

Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka.