Faarah Macalin:- Ciidanka Kenya waxa ay Soomaaliya u joogaan ka ganacsiga dhuxusha iyo Sokorta sharci darrada ah.

February 6, 2020 (Awdinle Online) –Hoggaamiyihi hore ee aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Faarax Macalin ayaa ku baaqay in Ciidamada Kenya laga saaro Gudaha Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan.

Faarax Macalin ayaa ku baaqay in Ciidanka Kenya ay sugaan amniga dalka Kenya, ilaaliyaan macallimiinta iyo Ardeyda Kenyaanka ah ee ay Al-shabaab ku dhibaateynayaan gudaha dalka Kenya,badalkii ay Soomaaliya ay nabad ilaalin u joogi lahaayeen.

Waxaa uu sheegay in Kenya ay hadda ka amni xuntay 11 sano ka hor markii ay Ciidanka Kenya soo galayeen Somaaliya.

Xildhibaan Faarax Macallin ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Kenya ee ku jira Howlagalka Midowga Afrika ee AMISOM ay Soomaaliya u joogaan ka ganacsiga dhuxusha iyo Sokorta si sharci darro ah.

Waxaa uu Xildhibaan hore Faarax Macalin sheegay in Ciidanka Kenya loo geeyay gudaha Soomaaliya in ay sugaan amniga dalka kenya hayeeshee ay xalaaddu ka dartay loona baahanyahay in laga saaro dalka Soomaaliya.

Shalay ayay aheed Markii Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay Kenya ku eedaysay in ay faragalin ku hayso Siyaarada iyo amniga gudaha Soomaaliya,iyada oo Kenya ugu baaqday in ay faraha kala baxdo.

Ciidamada dowladda Kenya ayaa 16 Octobeb 2011 ka soo talaabay soohdinta Soomaaliya la wadaagto Kenya,waxa ayna Xilligaasi sheegeen in ay la dagaalamayaan Dagaalyahana Al shabaab oo maamulayay inta badan Koofurta Soomaaliya.

Ciidanka ayaa Xariir wanaagsan kala dhexeeyaa Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe,waxaana dhowr mar oo hore lagu eedeeyay ka ganacsiga Dhuxa Sharcidara ah ee laga dhoofiyo Soomaaliya.

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com