Maxaa maanta looga hadalay Shirka Golaha Wasiirada Koofur Galbeed?:- (Sawiro)

February 6, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Golaha wasiirada Koofur Galbeed,Waxaana intii uu Socday looga hadlay Arimaha Amniga,Dhaqaalaha,Siyaasada, Hormarinta Bulshada iyo dagaalka ka dhan ah Al shabaab.

Wasiirka Amniga koonfur Galbeed Isaax Cali Subag ayaa Ka Warbixiyey Xaalada Guud ee Amaanka Koonfur Galbeed Waxaana uu Amaanay Howlgalada Qorshaysan ee ay Fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka kuwa Darawiishta koonfur Galbeed oo Kaashanaya AMISOM oo howl galo ka sameeyay deegaanada Dowlad Goboleedka  Koofur Galbeed.

Axmed Xuseen Xasan Wasiirka Maaliyada Koonfur Galbeed ayaa Laga Dhageystay Warbixin ku Aadan Kobcinta Dhaqaalaha Koonfur Galbeed iyo Dardar Gelinta Hanaanka Canshuuraha Waxaana uu Tilmaamay In Miisaniyada Dhaqaalaha Koonfur Galbeed ay Sii Kordhayso .

Shirka ayaa Sido kale Inta Uu Socday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Uga Mahadceliyey Golaha Wasiirada Shaqada ay uhayaan Shacabkooda isagoona ku Dhiira geliyey in ay Sii laba jibaaran ushaqaynta Shacabka, ay Masuulka uyihiin.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen oo ka Hadlay Muhiimada Safarkii uu ku Tagay magaalada nairobi ayaa Sheegey in Safarkaasi ahaa mid Guulo Wax ku Ool leh ku soo dhamaaday.

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com