Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Jeex Jeexay Warqad uga timid Wasiirka Maaliyadda

February 06, 2020 (Awdinle Online) – war hada nasoo gaarey ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage, uu diiday in uu saxiixo warqad lagu fasaxayo mushaarka ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Warqadda uu diiday Taliyaha ay muujineysay in aan isbadal lagu sameynin mushaarka ciidamada, oo ay aheyd in sanadkaan 70% lagu kordhiyo, sida lagu sheegay miisaaniyadda sanadka 2020-ka.

Taliyaha Xoogga ayaa celiyay warqadda waxa uuna dalbaday haddii aan la kordhin doonin mushaarka ciidamada ay Xukuumadda u sheegto bulshada, lagana sheego warbaahinta si aysan ugu arkin in xaqooqdii la duudsiiyay, maadama hore loo iclaamiyay mushaar kordhin.

Wasiirka Maaliyadda wali kama uusan hadlin arintaan waxaana la sheegayaa in uu socdo wadahadal arrintaan ku aadan oo uu Ra’iisul Wasaaraha gadaal ka riixaayo.

Dhinaca taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar, ayaa saxiixay warqada fasaxa mushaarka, iyadoo aan isbadal lagu sameynin laguna soo kordhin wax kharash ah.

Waxaana la filayaa in booliska Soomaaliya bishaan loo sameynin mushaar kordhintii uu balan qaaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Dowladda Federaalka ah ayaa wali bixin mushaarka Ciidamada waxaana socda dooda arrintaan ku saabsan iyadoo la isweydiinayo sababta keentay in ilaa hadda aan la bixin xuquuqda ciidamada, iyo mushaar kordhintii la balla-qaaday.