Madaxweyne Farmaajo oo Saaka Safar u ah Itoobiya

February 07, 2020 (Awdinle Online) – Wararka naga soo gaaraya magaaladda muqdisho ayaa sheegeya in madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee soomaaliya maxamed cabdulaahi maxamed farmaajo uu maanta gelinka dambe u amabixi doono dalka itoobiya magaaladda addis ababa.

Ujeedada safarka madaxweynaha ayaa waxaa lagu tilmaamay in uu ka qeyb geli doono kulanka guud ee madaxweyneyaasha ururka midnimada qaaradda afrika oo 9 bishan febraayo ka dhici doona addis ababa itoobiya.

Iyadoo ay beri ku beegan tahay maalintii la doortay madaxweyne maxamed cabdulaahi farmaajo 8 febraayo sanadkii 2017, hadana ma jiraan wax ifafaalo ah oo muujinaya in ay jiro munaasabad lagu xusayo maalintaasi, dadka siyaasada falanqeeyna ayaa siyaabo kala duwan u hadal haya sababta uu madaxweynaha isku iloowsiinaayo maalintaas, halka kuwa kalena ay sheegeynaan inaaney jirin wax u qabsoomay intii uu talada hayey, sidaas darteen uu uga gambanaayo xuska maalintii la doortay.

Awdinle.com kala soco warar sugan.