Puntland oo u yeeratey Xildhibaanadda iyo Wasiiradda ku Matala Dowladd Federaalka ah

February 07, 2020 (Awdinle Online) – wararka naga soo gaaraya magaaladda Garoowe ayaa sheegeya in Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Dr Saciid Cabdulaahi Deni uu ku baaqay shir wadatashi ah oo 15 bisha soo socota ee Maarso lagu qabanayo magaalada Garoowe ee caasimadda puntland.

Shirkan ayaa looga hadlayo xaalada iyo xiriirka sii xumaaneya ee Puntland iyo Dowladda Federaalka, isagoo u yeeray Xubnaha Puntland ku matala labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo dhamaan Siyaasiyiinta reer Puntland.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dagaal toos ah iyo mid dadbanba kula jirta maamul gobaleedyadda dalka ka jira, sida muuqta waxaa gebi ahaanb socdo hawlo lagu wiiqayo maamul kasta oo ka aragti duwan dowladda.

Warar sugan kala soco Awdinke.com