Ciidamada dowlad goboledka KGS oo gacanta ku dhigay carruur si qasab ah u askareeyen al-shabab

Dowlad goboleedka konfur galbed somalia  ayaa ka warbixiyey howlgal ay ciidanka Xoogga dalka ku soo furteen caruur la sheegay in si qasab ah lagu askareeyey oo kooxda Al-Shabaab ku tababareysay deegaan hootaga gobolkaasi.

Carruurtaan oo tiradoodu tahay 9  iyo labo darawal oo u kaxaynaysay mooto seddex lugooleey oo ay saarnaayeen ayaa lasoo qabtay xilli ay marayeen inta u dhaxeysa deegaannada Abal iyo Labaatan-jirow ee ka tirsan Gobollada Baay iyo Bakool.

Guddoomiyaha amniga ee degmada Xudur, Mudane Ibraahim Isaaq Ibraahim (Shaati) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in caruurtaasi oo gaaraya illaa sideed gacanta lagu soo dhigay, kuwaas oo lagu heystay deegaanka Doodaali ee gobolka Baay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in caruurtaasi inta badan si xoog ah looga qafaashay dhulka miyiga ah ee gobolka Bakool.

Mr. Ibraahim Shaati ayaa sidoo kale intaasi ku daray in u jeedka uu ahaa in caruurtan yar yar loo adeedsado dagaalka ay dalka ka wado kooxdaasi.

Xasan Salaad Ibraahim waa 12 sano jir sideed bilood ka hor Al-Shabaab ay ka kaxaysay deegaanka Dudumaale oo qiyaastii 30km dhanka bari ka xiga magaalada Xudur ee gobolka Bakool, waxaana uu xusay inay si qasab ah ku askareeyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ay ka qafaasheen deegaankii uu ku noolaa.

Xilliga la qabanayey waxay la socdeen mootooyin nooca seddex lugleyda ah oo marayey inta u dhaxeysa deegaannada Abal iyo Labaatan-Jirow

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan caruurta lagu hayo saldhigga Booliska Xudur, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.