Dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti oo kuraas ka helay Guddiga Nabadda iyo amaanka Midowga Afrika.

February  8, 2020 (Awdinle Online) –Dowladdaha Itoobiya iyo Jabuuti ayaa kuraas xubinnimo ka helay Guddiga Nabadda iyo amaanka Midowga Afrika.

Shirkii Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Afrika ayaa lagu doortay xubnaha cusub ee Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Afrika (The Peace and Security Council of the African Union (AU) ee labada sano ee soo socota.

Golaha Ammaanka iyo Nabadda Afrika ee PSC loo soo gaabiyo waxa ay u taagan yihiin samaynta Go’aanada Midowga Afrika, Maareynta iyo Go’aanadda Colaadaha laga qaadanayo sida uu qabo xeerka Midowga Afrika.

Golaha PSC waxa uu ka kooban yahay 15 xubnood oo  Awodaha siman ee Cod-bixinta, iyadoo dhamaan xubnahaasi ay doortaan Golaha Fulinta ee AU-da, iyadoo ay Golaha AU-da ansixin doonaan muddada uu socdo Shirarkooda caadiga ah.

15-ka xubnood ee Guddiga Nabadda iyo amaanka Midowga Afrika ee PSC waxaa la doortaa xilli 3 sanno ah, halka 10-ka dal ee kalena ay xilka haynayaan muddo 2-sanno.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay gaaray Magaaladda Adis Ababa ee Caasimada Itoobiya halkaas oo uu ugu qayb galayo shirka wasiiradda arimah dibada Wadamada Afrika.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com