Farmaajo ma Dhaawacay Rajadii Shacabka Soomaliyeed mudadii 3-Sano ahayd ee u xilka hayay!

February  8, 2020 (Awdinle Online) –Waxaa buuxsan tahay 3-Sano dhaawacday rajadii ay qabeen Shacabka Soomaaliyeed oo maanta oo kale  8-February-2017 la Jilbeysanaayeen Doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo waqtigaas  ay ku han-weynaayeen in uu horseedi Doono Amni,Cadaaladd,Horumar dhaqaale iyo Mid Bulsho,Dib u heshiisiin Heer qaran ah iyo helida Adeegyo Bulshadu ay ku ilowdo Colaadii iyo Dhibaatooyin ay dhowr 20-sano ah ku soo dhexjiraan.

Dadka muqdisho waxaa ay Xiligaas Maskaxdooda ka Guuxayey balan-qaadkii Madaxweyne Farmaajo uu Baarlamaanka hortiisa uga dhawaaqay maalintii  Khubadjeedinta.

Musharixiinta ay kamid ahaayeen in uu Sugayo Amniga Caasimadda iyo in uu furidoono Wadooyinka Xiran Magaalada Muqdisho, islamarkaan aan mardanbe  shacabka laga Xiran jidka,asago oo Xusay in Hadii  Xal Amni ay Wajahdo uu  isticmaali doono gaadiidka qafilan ee aan Xabadu kari, hadalkaasi aad loogu riyaaqey,balse muddo kooban ka dib waxaa kordhay Weeraradda ka  dhacay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo sababay in Dowladda Farmaajo ay biro waa weyn oo ganjeelo la moodo iyo dhagaxaan Culus ay  ku Xirto wadooyin hor leh iyo kuwii Horey u Xirnaa,waxaana dhicisowday rajadii iyo Kalsoonidii Shacabka Soomaaliyeed ay ku qabteen, Madaxweyne Wadaniyey sheegida badan.

Sadexdii sano ee la soo dhaafay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaa uu guuldaro weyn kala kulmey amniga qaranka,Siyaasada Arimaha Gudaha iyo tan Arimaha Dibadda ,Ilaalinta Sharciga Arimahaas  oo ahaa tiirarka aad loogu Rajada weynaa inay Dowladdisu ay waxbadan ka qaban doonto.

Markii aan mid mid u dul istaagno  Qodobada uu ku guuldareysatay Madaxweyne Farmaajo, aan ku Hormarno Amniga qaranka.

3-san aan soo dhaafney Caasimada dalka oo kaliya waxaa ka dhacay Weeraro qaarkood ay aheeyn Xasuuqyo argagaxgaliyey wadamada Gobalka iyo dalka daneeya Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Xasuuqii Soobe ee 14-kii Octobey 2017-kii oo ahaa Sanadkii Koobaad ee Xil heynta Madaxweyne Farmaajo iyo Weerarkii 28-kii bishii December 2019-kii,kuwaasi oo lagu Xasuuqey Muwaadiniin Soomaaliyeed iyo kuwa Turki ahaa oo dalka u yimid inay Dowladda ka caawiyeen Dhismaha iyo Wadada Muqdisho iyo Afgooye.

Madaxweyne Farmaajo Xiligii uu la Wareegay talada dalka,waxaa dhisnaa Golaha Amniga qaranka oo ay ku mideysnaayeen Hogaamiyaasha Maamul Gobaleeyada iyo Taliyaasha Ciidamada qalabka Sida, Golahaasi oo Shir Gudoonkiisu uu ahaa  Madaxweynaha Jamhuuriyada,kaasi oo Xudun  u ahaa wada shaqeynta Hay’adaha Amniga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobaleed,iyo la Dagaalanka Ururada Hubeysan ee dalka ka jira,balse nasiib daro Golahaasi waxaa uu burburey Markii  muddo kooban uu Xafiiska Joogey Madaxweyne Farmaajo.

Soo Gaba-bagabeynta Dagaalka Al-shabaab iyo Xal u helida Tabashooyin gooni isku taaga ku qasbey shacabka Gobaladda Waqooyi ee ah Soomaaliland waxaa ay  gundhig yihiin amniga qaranka,Midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo qabsoomidda Doorashooyin Dimuquraadi ah oo dalka ka hirgala,balse Madaxweyne Farmaajo iyo Dowladdiisu arimahaas waxaa ay uga mashquuleen la Dagaalanka Siyaasiyiin afka wax ku Mucaarada iyo meesha ka saarida Hogaamiyaasha Dowlad Gobaleeyadii horey u dhisnaa.

Sidoo kale Dowladda uu Hogaamiye Madaxweyne Farmaajo waxaa ay guuldaro weyn kula kulantay Siyaasadda Arimaha Gudaha ee  wada shaqeybta Dowladda dhexe iyo Maamul Gobaleeyada,Sadexdii sano ee Madaxweyne Farmaajo uu Xafiiska Joogey waxaa Heerkii ugu Xumaa  gaarey Khilaafka Madaxda Maamul Gobaleeyada iyo Kuwa Dowladda Dhexe ka dib markii Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay Ixtiraami weyday Ma’baadiida ku Xusan Qodobada 53aad iyo 54aad ee Dastuurka KMG kuwaasi qeexaya “Wada-xaajoodyada Caalamiga” ah iyo “Kala Qaybinta Awoodaha” Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubinta ka ah, Dowladda Dhexeyo Maamul Gobaleeyadu ay u ekaadaan wado daris ah oo si kala madax banaan u howlgala Arintaasi horseeda daganaansha la’aanta siyaasada arimaha Dibbada iyo Fargalinta Shisheeyaha oo kortay.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo waxaa ay si muuqata Xeyn-baadka sharciga ay kuga baxday Markii ay Fargalinta ku sameysay dhismaha Maamul Gobaleyeedyada waxaana ku Xadgudubtay “Qodobka 120aad kaasi oo dhigaya in dhismaha Hay’adaha Sharcida-jinta iyo Fulinta Marayo Dastuurka Dowladda Gobaleeyada”, Balse nasiib daro Qodobkaasi Dowladda Farmaajo waa ay ku Tumatay ayadoo si cad Maamulashay Dhismaha Hay’adaha Sharci-dajinta iyo Fulinta arintaas oo muujineysa in Boobka iyo qof jecleysigu ay ka saramey Ilaalinta iyo ku dhaqanka sharciga wadanka,waxaana aad loo Xasuustaa Faragalintii Dowaladda dhexe ee Horseeday in Dhiig uu ku daato ka dhacay Doorashadii Koofur Galbeed iyo Fargalintii Sadex Maamul u kala qeybisay Galmudug.

Waa 3-sano oo laga dhaxlay Kala qeybsanaan Siyaasadeed,Guuldaro amni iyo ku Tumasho Sharciga wadanka,iyo Madaxweyne Farmaajo oo Markaan uu harsan yahay hal sano oo kaliya,Nuuca Doorashada dalka ka dhaceysa oo mugdi ku jirta,Khilaafka Dowladda Dhexe iyo Maamul Gobaleeyada oo Cirka isku sii shareeraya iyo Ciidamada AMISOM oo waqtigoodi uu dhamaaday sugeysana Cidii ay ku aamini la hayeen Amniga Soomaaliya.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com