Madaxweynaha Dawlad gobaleedka konfur galbed oo kormeer ku tagay  Wasaarada Boostada:- (Sawiro)

February  9, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta gareen  ayaa subaxnimadii hore ee saaka kormeer shaqo ku tagay xarunta dhexe ee Wasaarada Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolajiyada Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed .

Xilligii uu Madaxweynuhu kormeerkiisa ku tegey xarunta Wasaarada ayaa waxaa ku sugnaa dhammaan Masuuliyiintii iyo shaqaalihii xarunta, iyadoona ay si wanaagsan u soconaysey hawl maalmeedkii caadiga ahaa ee Wasaarada.

Madaxweynaha ayaa markii uu kormeerkiisa ku tegey wasaarada waxaa uu mid mid u waraystay shaqaalaha ka hawl-gala Wasaaradda oo ah dadka qabta shaqooyinka dhabta ah ee ay Wasaaraddu fuliso isla markaana u badnaa dad dhallinyaro ah oo ay ka muuqatey karti iyo firfircooni dheeraad ah.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu Wasiirka wasaarada  mudane maxamed nuur sheikh cade  iyo agaasimaha guud ee wasaarada mudane Ore Osmaan  kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa isagoona si hoose uga xog waraystay guud ahaan siyaasadda Wasaaraddiisa, qorsheyaasha u degsan iyo caqabadaha hortaagan.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dhammaan masuuliyiinta xarumahaasi iyo shaqaalaha ka hawl-gala wasaaradda  shaqooyinka baaxadda leh ee ay qabteen iyo dedaallada dheeraadka ah ee ay muujiyeen isagoona kula dar-daarmay Madaxweynaha  in ay sii dar-dar geliyaan baahinta adeegyada ay u hayaan bulshada deeganada konfur galbeed .

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com