Booliiska Dalka El Salvador oo gabi ahaanba la wareegay xaruntii Baarlamanka Wadankaasi

Boolis aad u hubeysan iyo askarta dalka El Salvador ayaa xog ku galay baarlamaanka , waxayna dalbanayaan in loo meel mariyo deyn gaaraysa $109m oo u dhiganta (£85m) si ay qalab wacan u helaan.

Waxay dhisamhaasi gudaha u galeen xilli Madaxweyne Nayib Bukele, uu isu diyaarinayay in uu khudbad u jeediyo sharci dejiyeyaasha dalkaasi El-Salvador.

Maalinkii jimcaha waxaa uu siyay toddobo maalmood si ay gacan u siyaan qorshahaasi.

Siyaasiinta mucaaradka ayaa ciddamada hubeysan ee barlamaanka soo galay ku timaamay tallaabo cabsi gelin ah oo aan horay loo arag.

El Salvador waxay ka mid tahay dalalka adduunka ee ugu sarreeya ee ay ka dhacaan dilalka ugu badan.

Rabshadahaasi badankoodna waxaa geysta burcadda hubeysan ee ka hawl gala Bartamaha Mareykanka.

Burcadda waxaa asalkooda aasaasay dhallinyaro ka qaxay El Salvador oo 1980-maadkii ku sugnaa magaalada Los Angeles.