Daawo:-Madaxweyne laftigareen Oo magacaabay Guddiga soo xulista Baarlamanka cusub ee Konfur Galbeed

February  10, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabd Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Magacaabay Guddiga Soo Xulista Barlamaanka Labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 10 Xubnood ayaa waxaa ay leeyihiin Guddoomiye,guddoomiye kuxigeen, Xogeyn iyo 8 Xubnood oo kamid ah guddiga soo xulaya Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed.

Guddigaan ayaa waxaa ay ka Shaqeyn doonaan sidii ay u soo xuli lahaayeen Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed oo ka koobnaan doona 95 Mudane.

Maxamed Cali Ibraahim Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Koonfur Galbeed  ayaa Warbaahinta u Akhriyey Xubnaha Guddiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Magacaabay Gudiga Soo Xulista Barlamanka Labaad DGKGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Magacaabay Gudiga Soo Xulista Barlamanka Labaad DGKGS Sida uu ku Dhawaaqay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Koonfur Galbeed

Posted by Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada KGS on Monday, February 10, 2020

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com