Koox hubeysan oo dil iyo dhaawac ka geystay Degmadda Afgooye

February 10, 2020 (Awdinle Online) – Gobalka Shabeelaha  Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa la sheegaya in xalay rag hubeysan oo burcad ah ay dad shacab ahaa dil iyo dhaawac ugu geysteen duleedka degmada Afgooye.

Kooxdan oo ku hubeysnaa qoryaha fu-fudud ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen dad beeraley ah oo ku sugnaa halkaasi, iyaga oo isugu daray dil, dhaawac iyo dhac intaba.

Dadka deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in dableydaasi ay dishay nin lagu magacaabi jiray, Cumar Nuur oo ka mid ahaa dadka beeraha ku leh duleedka Afgooye.

Sidoo kale dadka aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in dhaawacyo loo geystay dad kale oo la socday marxuumka, kadibna laga qaatay wax alaala wixii ay siteen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ky daraya in kooxdii burcada aheyd falka kadib ay goobta isaga baxsatay, waxaana markii dambe meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga Afgooye oo baaritaano dheeraad ah ka sameeyey duleedka degmadaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan dhacdadaasi.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa inta badan ka dhaca dhibaatooyin kala duwan oo ay geystaan kooxo burcad ah oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaasi, sidoo kale waxaa u sii dheer weerarada dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab iyo dagaallada ay kala kulmaan ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.