Dhageyso :-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Sheegay in Amniga Dalka Meel Xun Marayo.

February  11, 2020 (Awdinle Online) –Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar}  ayaa sheegay in amniga dalka lagu soo duuley oo uu gaarey meel xun,isla markaana ay jiraan dad diidan dalka amnigiisa iyo hormarkiisa.

Waxaa uu sheegay in Amniga qof walba uu mas’uul ka yahay,hayeeshee ay u muuqato in xaduudaha dalka ay iska furan yihiin,sidoo kalena Injineerada ka qeyb qaadanay dalka dhismahiisa la qarxinayo oo la dilayo.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayuu ugu baaqay inay hubiyaan dadka soo galaya dalka Ciidanka Booliska Soomaaliyeedna ay dhankooda sugi doonaan Amniga Gudaha dalka Soomaaliya.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com