C/naasir seeraar oo rasaas ku furay kolonyo Gaadiid oo uu la socdey Yamamoto

February 12, 2020 (Awdinle Online) – Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya inuu ka socdo dagaal ama Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada maamulka gobaleedka Jubbaland iyo maleeshiyaad qabiil oo taabacsan C/naasir Seeraar Maax oo ka mid ahaa masharaxiintii is bedel doonka Jubbaland ee doorashadda looga adkaaday.

Dagaalkan gacan ka hadalka ah ayaa la sheegay inuu ka dhashay wado la xiray, iyadoo si buuxda loo adkeynayey ammaanka magaaladda kismaayo, maadaama magaalada Kismaayo uu maanta booqasho ku yimid Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto iyo wafdi safiiro ah oo uu hagaaminaayey.

Lama garanaayi khasaaraha rasmigia ah ee ka dhashay dagaalka, hase ahaa Ciidanka Jubbaland ayaa wada dadaal aad u hagaasan oo lagu afjarayo arintan foosha xun ee maanta ka dhacday kismaayo ee ay ku kaceen dad aan ay dhibeyso nabad geliyadda iyo xasilooniyadda Jubbaland.

Wixii faah faahin ah dib ayaan kasoo sheegi doonaa.

Warar sugan kala soco awdinle.com