Daawo:-Ugaas Maxamed Ugaas Xassan “Dowladu waxay dhul xasiloon ku abuurtay nabadgelyo daro “

February  12, 2020 (Awdinle Online) –Ugaas Maxamed Ugaas Xassan Ugaas Yarow oo kamid ah salaadiinta dhaqanka Jubbaland ayaa si adag uga hadlay colaadda ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ka hurinayso gobolka Gedo wuxuuna sheegay in dhibaato kasta oo dhacdaa gobolkaas ay masuuliyadeeda qaadayaan madaxda Dowladda Federaalka.

Ugaas oo hadal  ka jeediyey kulan ay magaalada Kismaayo ku yeesheen salaadiinta dhaqanka Jubbaland ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in Dawladda Federaalku ay guluf colaadeed ku qaaddo gobolka Gedo.

Ugaas Maxamed Ugaas Xassan Ugaas Yarow ayaa sidoo kale sheegay in madaxda Dowladda Federaalku ay caadeysteen xagal daacinta Dowlad-goboleedyada iyo nidaamka federaalka islamarkaana ay xasilooni darro ka abuureen dhul nabadgelyo ahaa.

Dhanka kale Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu weli ka socdo deegaano ka tirsan gobolka dhaq dhaqaaqyo ciidan, iyadoo Maamulka Jubbaland uu labadii maalmood ee la soo dhaafay uu geeyay ciidamo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka.

Sida wararku sheegayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo ka yimid dhanka degmada Ceelwaaq ayaa gaaray duleedka Beledxaawo oo ahaa goobihii fariisinka u ahaa Ciidamadii horay uga soo baxay Beledxaawo iyo Doolow ee ka tirsanaa Jubbaland.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamadan uu hoggaaminayay Col. Cabaas Ibraahim Gurey oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Jubbaland ee horay uga qeyb qaatay dagaaladii Gobolka Gedo qeybo ka mid ah looga saaray Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya weli si cad uma sheegin sababaha ay degmooyinka Gobolka Gedo Ciidamada u geysay,hayeeshee Madaxda Maamulka Jubbaland ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya Gobolka Gedo kusoo duuashay.

Ugaas Maxamed Ugaas Xassan Ugaas Yarow oo ka hadlay xaaladda ka taagan gobolka Gedo iyo faragalinta ay XFS ka waddo.

Ugaas Maxamed Ugaas Xassan Ugaas Yarow oo kamid ah salaadiinta dhaqanka Jubbaland ayaa si adag uga hadlay colaadda ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ka hurinayso gobolka Gedo wuxuuna sheegay in dhibaato kasta oo dhacdaa gobolkaas ay masuuliyadeeda qaadayaan madaxda Dowladda Federaalka.Ugaas oo hadalkaan ka jeediyey kulan ay magaalada Kismaayo ku yeesheen salaadiinta dhaqanka Jubbaland ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in Dawladda Federaalku ay guluf colaadeed ku qaaddo gobolka Gedo.Ugaas Maxamed Ugaas Xassan Ugaas Yarow ayaa sidoo kale sheegay in madaxda Dowladda Federaalku ay caadeysteen xagal daacinta Dowlad-goboleedyada iyo nidaamka federaalka islamarkaana ay xasilooni darro ka abuureen dhul nabadgelyo ahaa.

Posted by Jubbaland TV on Wednesday, February 12, 2020

 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com