Dhageyso :-Cumar (Filish) ”Xamar waa magaalo somaliyed qofna laguma xad gudbi karo ”

February  12, 2020 (Awdinle Online) –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay Caasimadda Soomaaliya,isla markaana aysan jirin cid gaar ah oo leh.

Waxaa uu sheegay in inta uu yahay Duqa Magaalada Muqdisho cid alaala cidii lagu dhibo ama la dhao wax uu dhibsado in mas’uuliyadeeda uu isaga qaadayo.

Hadalkaan ayaa duqa Muqdisho waxaa uu ka sheegay munaasabad sagootin ah oo Xarunta Gobolka loogu sameeyey Isimada Soomaaliyeed ee ka socday dowlada goboleedka Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com