Taliyihii Ciidanka Haramacad ee DF iyo 34 Askari oo u Goostay Jubbaland

February 13, 2020 (Awinle Online) – Talyihii Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramacad ee dowladda federaalka ah ay geesay gobolka gedo iyo 30 askari oo la socda ayaa u goostay dhanka Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan isla Beled-Xaawo.

Talyahaan goostay ayaa la sheegey in ay isku hayb dhaw yihiin Wasiir Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Warkaan waxaa hada laga baahiyay Tv-ga Maamul Gobaleedka Jubbalad.

Maalmahii lasoo dhaafay waxaa socdey arimo lagu kala fur furaayo Ciidankii Uruuriska ahaa ee Dowladda Federaalka ah ay geysey Gedo, waxaana jirey in qaar ka mid ah Ciidankaasi hubkooda lagaga iibsadey magaalooyinka Luuq, Beled Xaawo, Doolow iyo Baardheere.