Maxay kawada hadleen Amiirka Qadar & Farmaajo

February  15, 2020 (Awdinle Online) –Sida ay daabacday Jariiradda Al-Sharq ee kasoo baxda Dalka Qadar, waxaa wada hadal uu dhexmaray Amiirka Dalkaas Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wada hadalka Labada Mas’uul ayaa ahaa dhanka Telefoonka, waxaana si qoto dheer uga wada hadleen Xiriirka Dowladaha Qadar iyo Soomaaliya sidii loo sii xoojin lahaa xiligaan iyo arrimo kale oo ay wadaageen.

Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa wanaagsan, waxaana Xukuumadda Dooxa ay dhiggeeda Muqdisho uga deeqday Mashaariic kala duwan oo ay uga weyn yihiin dhismaha Labada Waddo ee Magaalada Muqdisho ku xira Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Bishii June sanadkii 2018-kii, Dowladaha Qadar iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo kala duwan, waxaana kamid ahaa taageerada Xukuumadda Dooxa ee Adeegyada Caafimaad ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer tagay Dalka Qadar, waxa uuna la kulmay Amiirka Dalkaas Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani, waxa ay wada xoojiyeen Xiriirka ka dhaxeeya Labada Waddan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay Bishii June sanadkii 2017, go’aankii Qadar xiriirka ay ugu jareen Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn, Masar, Jordan iyo dalal kale, kadib markii ay ku eedeeyeen in ay taageertay waxa loogu yeero Argagixisada.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com