Warbixin:-Waa Maxay Dowladnimo – QAYBTA 2AAD

February  15, 2020 (Awdinle Online) –Bilowgii horaba Aadanuhu waxa uu ahaa mid tiro yar oo ka koobnaa qoysas iyo qaraabo isla taal. Waxa ay ku noolaayeen caalam aysan waxba ka diyaarsanayn noloshuna ahayd mid aad u adag.

Ma aysan lahayn hoy ay u hoydaan iyo hu’ ay huwadaan toona. Hadba meeshii uu gabbalku ugu dumo ayay u hoyan jireen, aroorta horana waa ka kallihi jireen. Ma lahayn wax soo saar, kasabkooda koobaad na waxa uu ahaa qaraabka oo ahaa mira gurashada iyo ugaarsiga.

Ma aysan lahay alaado ay u situcmaalaan ugaarsiga iyo agab ay wax ku bislaystaan toona. Inta badan orod ayay ugaarta ku qabsan jireen, aaladdooda koobaadna waxa ay ahayd dhagaxyo la qoray. Sidaas daraadeed ayaa casrigaas waxaa loo yiraahdaa casrigii dhagaxa Stone Age.

Sida ay nolasho hoose uga aradnaayeen si la mida ayay hoggaanka iyo maamulka na uga aradnaayeen. Waxa ay ahaayeen kooxo isla qaraabato iyo qaraabo u badan, sidaas daraadeed midka ugu wayn ama ugu ugaar-yahansan ayaa lahaa haggaanka hawl-maalmeedkooda.

Nidaam intaas dhaafsiisan na ma jirin. Maadaama ay tiro yaraayeen dhul gooni u ah oo ay dagganaayeen na aanu jirin waxa ay ahaayeen socoto ku jirta hayaan aan dhammaanayn. Waxaa la sheegaa in qaybo socotadaan ka mid ahi safarkii ay Africa ka bilaabeen ay qaaradaha kale ee dunida ku galeen.

Gabyaaga soomaaliyeed ee Cabdulqadir Cabdi Shube ayaa gabay falsafad ah marxaladdaan uu Aadanuhu bilowgii hore soo maray ku cabiray. Waa gabayga “Geediba geeddaa ku xigey” waa gabay runtii si cilmiyaysan uga hadlaya marxaladdaan iyo daruufihii qalafsanaa ee ku xeernaa.

In kasta oo dadka qaabkaan u nooli ay caalamka maanta ku yaryihiin, haddana wali waxaa jirta meelo laga heli karo, iyaga oo wali sidoodii u nool. Nasiib wanaag Aadanuhu marxaladdaan waxa uu ka gudbay kolkii ay noloshu bartay jiritaanka qaabab kale oo middaan ka nacfi roon. Waa marxaladdii labaad ee qabaliga midda uu marxaladdaan uga gudbay. Bal aynu eegno waxa uu marxaladdaan kala kulmay.

Marxaladdii Labaad: Bulsho Qabali ah.

Marxaladii koobaad ee aan soo tilmaamay Aadanuhu waxa uu ka gudbay kolkii uu tarmay oo tiradoodu kobocday. Waxa uu ka gudbay kolkii ay beelo iyo qabaa’il noqdeen.
Koboca iyo taranka Aadanaha waxaa sababay isbaddal ku yimid qaab nololeedkoodii. Noloshii adkay ee qaraabka iyo ugaarsiga ayaa dhaxalsiisay in ay helaan xirfado iyo xeelado nolosha u sahla.

Labadii qolo ee aadanuhu u qaybsanaa mid waliba horumar ayay naloshii ka sameeyeen. Tusaale ahaan ugaaratadii, ugaarsigii waxa ay uga gudbeen (domestication) oo ah rabbaayadan duurjoogta la rabbaayadaynayo. Rabbaayadayntaan waxa ay sahashay in duur joogtii imminka la dhaqdo. Dhaqashada duur joogta ayaa ahayd guushii u gu waynayd ee ay ugaaratadu gaarto.

Marakan waxaa fududaatay, in Aadanuhu uu baahidiisii u helo ilo laysku halayn karo.. Sidaas si lamida ayaa qaraabatadiina waxa ay ku guulaysatay in ay dalagga nacfiga leh iyo beeristiisa ba ay bartaan.

Dalaggii ugu horeeyey ee ay qodaalka saldhigga uga dhigeenna waxa uu ahaa Qamandiga. Ka bacdina dhammaan dalagyada aynu maanta beerano ayaa midba markiisa la kashifayey.

Marakan waxaa soo baxay bulsho ka gaddisan middii hore. Waxaa soo baxay bulsho illaa xad daggan gaar ahaan qodotatii. Waxaa soo baxay bulsho si ka sahlan sidii hore u maaraynaysa nolosha.

Waxaa soo baxay bulsho illaa xad dabooshay baahiyaha aasaasiga ah. Tani waxa ay sabab u noqotay in Aadanihii tiro iyo tabar ba uu kororto.

Bulshadii qaraabatada iyo ugaaratada ahayd ayaa imminka noqotay beelo iyo qabaa’il dhaqato iyo qodoto u kala qaybasan. Waa duddooyin qodoto ah oo daggan tuulooyin yaryar iyo beelo raacato ah oo reer guuraa ah. Halkan ayuu ka bilaamay nidaam-siyaasadeedkii ugu horreeyey.

Kororkii dadku waxa uu sababay in nidaam iyo kala dambayni muhiim tahay. Waxa uu sababay in hoggaani lagama maarmaan yahay. Ugaar-yahannadii iyo horjoogayaashii qaraabatada imminka waxa ay isu baddaleen hoggaamiyayaal dhaqameedyo mid waliba uu reerkiisa horjooge u yahay. Waxaa la hindisay xeerar iyo qawaaniin bulshada kala xaddida. Bulshaas qabaliga ahi ma aanay ahayn mid awoodda laysku maquuniyo.

Hoggaankoodu ma uusan ahayn mid xoog ku yimaada ee waxa uu ahaa mid karaamo, curadnimo iyo hibo lagu hanto. Xeerarkoodu ma aysan ahayn kuwo xoog ama xeel lagu fuliyo ee waxay ahaayeen kuwa ixtiraam iyo is oggol ku hirgala. Waxa ay ku dhaqmayeen nidaamka ay bulsho-yaqaanadu ugu yeeraan “egalitarianism” oo ah bulsho siman oo aan kala sarayni jirin. Nidaamkaan oo loo yaqaan kii Cheiftain-ka ayaa ah kii ugu horeeyey ee maamul ee Aadanuhu yagleelo. Waa nidaamkii wadada u sii xaaray marxaladdii ka dambaysey ee dawladnimada.

Marxaladdii Saddexaad: Bulsho dawlad ah

Sidii aynu horayba u soo sheegnay barashadii abuurka iyo dhaqashadii duurjoogtu waxa ay sababeen kororkii Aadanaha, kaas oo isna sababay nidaam-siyaasadeedkii ugu horeeyey ee “Chieftain-ka” Geeddigii Aadanuhu ugu jirey isbaddalka halkaas kuma uusan joogsan ee marxaladdaas waxa uu uga gudbay marxalad kale oo ka guda ballaaran kana natiijo wanaagsan kuwii hore.

Waa marxaldda dawladnimada iyo ismaamulka aan qabaliga ahayn. Nasiib darro marxaladdaan looma wada gudbin ee illaa imminka qaybo bulshadii qabaliga ahayd ka mida ayaa nidaamkoodii ku dhaqma. Sida loo heli karo bulsho tiro yar oo wali u nool qaabkii marxaladda koobaad ee ugaarsi-qaraabatada ayaa maanta loo heli karaa bulsho raacato ah oo aan wali ka gudbin marxaladdii labaad ee qabaliga.

Marxaddaan dawladnimadu waxa ay ahayd xaddaarad ka hirgashay dhinacyada wabiyada hodonka ku ahaa beerashada gaar ahaan kuwii ku yaalay dhulka imminka bariga dhexe loo yaqaan.

Qiyaastii siddeed kun oo sano ka hor ayaa duddooyinkii qodotada ahaa ee tuulooyinka yaryar dagganaa qodaalkooduna u badnaa dalaga roobka ku baxa u xuubsiibteen beeraley dalagga noocyadiisa kala duwan beerta, kolkii ay dageen dhinacyada wabiyada qaniga ah.

Marakan waxa ay noloshu bartay sidii ay biyaha wabiga uga faa’iidaysan lahaayeen. Waxa ay hindiseen aalado biyaha wabiga ka soo saara, kannaallo ay biyuhu soo maraan iyo biyo xireenno lagu kaydiyo. Bulshadii la daalaa dhacaysay qutulyoomkeeda ayaa isu baddashay mid dabooshay baahidii aasaasiga ahayd, seeskana u dhigtay nidaam wax soo saar oo taabba gala.

Meeshii ugu horraysay ee nidaamkaani ka hirgalay ayaa hayd dhulkii loo yaqaanay Mesopotamia. Waa dhulkii u dhaxeeyey labada wabi ee Dajla iyo Furaat. Waana Ciraaqda iyo Suuriyada maanta.

Isbaddalkii ku yimid wax soo saarku waxa uu fure u noqday xaddaarad sal-ballaaran oo bariga dhexe ka hir gasha. Waxaa mar labaad kordhay tarankii dadka. Waxaa kobcay tuulooyinkii yaryaraa oo magaalooyin waawayn isu baddalay. Waxaa laga faa’iidaystay naxaasta iyo birta oo isbaddal wayn soo kordhiyey.

Waxaa abuurmay ganacsi iyo wax kala baddalasho mug leh. Waxaa markii ugu horaysay Aadanuhu hindisay qoraalka. Isbaddalkii ka dhacay dhinacyada labada wabi ee Dajla iyo Furaat kuwo la mida ayaa ka hirgalay wabiyada Nilka, Yangtze iyo Yallow River oo China ah.

Goobahaani waa meelihii ugu horeeyey ee ay dawladnimadu ka unkantay. Dawladnimadii ka hirgashay goobahaani waxa ay ahayd mid ka gadisan nidaamkii raacatada ee aynu ku tilmaanay egalitarian-ka ama sinnaanta.

Nidaamkaan dawladnimo kuma aanu bilaaban heshiis bulsho ee waxa uu ku hirgalay qaab xoog iyo ismaquunin ah.

Sababtuna waxa ay ahay tuulooyinkii qaniga noqday ayaa bilaabay in qaybi ba qayb ay ku duusho. Waxa ugu wayn ee arintaan sababayay ayaa ahayd dhul beereedkii dalagga ku habboonaa oo cid waliba ay doonaysay in ay gacanta ku dhigto. Waxaa soo baxay kooxo abaabulan iyo horjoogayaashooda.

Halakan ayay ka bilaabatay in abbaan-duulayaashii dagaalku u xuubsiibtaan hoggaammo siyaasadeed. Waxaa soo baxay waxa loo yaqaan magaalo-dawladeed (City States) oo ahayd in magaalo waliba ay dawladdeeda gaarka ah leedahay. Abbaan-duulaha ama odayga magaalada ayuu ahaa hoggaanka siyaasadeed ee ugu sareeya tuuladaas. Si looga hortago damaca tuulooyinka kale, dal dheeraada na loo hantiyo waxaa la abaabulay ciidan joogtaa oo tuuladu leedahay.

Waa ciidan ilaaliya nidaamka difaacayana cadawga dibadda. Si ka gaddisan xeerkii dhaqatada, waxaa abuurmay xeerar iyo qawaaniin jabintooda ciqaabi ka dhalato iyo guurtidii fulin lahayd. Si horumarka iyo wax soo saarku u baraaro cadawga bannaankana loo difaaco  waa in ay  dawlddu dakhli lee dahay.

Sidaas daraadeed ayaa magaalo-dawladeedyadii bilaabeen nidaamka canshuur-qaadka. Waxaa hir galay nidaam uusan qabiilkii iyo sinnaantii beelahu saldhig u ahayn. Nidaam u gogal xaaray mid isaga ka guda wayn oo ah dawlad sal-ballaaran.

Awdinle Online kala soco qaybta 3aad