XOG :- Maxaa ka jira in dani & Axmed Madoobe Lagu amray inay La Kulmaan Farmaajo

February  15, 2020 (Awdinle Online) –Xog gaar ah oo aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland lagu qanciyay iney yimaadaan magaalada Muqdisho si ay wada hadal ula furaan Dowladda Federaalka.

Danjiraha Mareynkanka u fadhiya Soomaaliya Mr. Yamamoto ayaa ka shaqeeyay arrintaan,wuxuuna Axmed Madoobe iyo Siciid C/llaahi Deni uu ku qanciyay iney aqbalaan wada shaqeynta Dowladda Federaalka,islamarkaana tagaan magaalada Muqdisho lana kulmaan madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo mas’uuliyiinta kale ee Hay’adaha Dowladda.

Danjire Donald Yamamoto ayaa kulamo gaar ah kula yeeshay magooyinka Kismaayo iyo Boosaaso madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland,kuwaas oo uu kala hadlay sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa khilaafka Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in madaxweynaha Puntland uu dhowr jeer ka diiday kulan oo uu ugu yeeray magalaada Muqdisho,islamarkaana u qaraab doontay dowlado shisheeye oo uu ku sheegay iney faragelin ku hayaan Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa ku jahwareersan xalinta khilaafka maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka,kaas oo marba marka ka sii dambeeya sii xoogeysanaya.

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com