Duleedka Muqdisho oo qarax lagula eegtay Gaari ciidan

February  16, 2020 (Awdinle Online) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya lagula eegtay duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca miino ayaa lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah, xilli uu marayey inta u dhexeysa isgoysyada Xoosh iyo Ex-control Afgooye.

Ilo deegaanka ah ayaa    Awdinle.com u sheegay in qaraxa uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamadaasi, kaas oo uu soo gaaray burbur xoogan.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa saddex askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen afar kale oo ka mid ah ciidankii saarnaa gaariga la qarxiyey.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay gaareen  meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo muddo kooban xiray halkaasi.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo laamaha ammaanka dowladda ay ka bixiyeen qaraxaas iyo khasaaraha ka dhashay.

Dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro qaraxyo ah ka fuliya duleedka Muqdisho, iyaga oo beegsada ciidamada dowladda, kuwa AMISOM intaba.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com