Golaha Wasiiradda Somaliland oo aqbalay in Hargeysa ka dago Madaxweyne farmaajo

Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku aqbalay soo jeedinta Madaxweyne Muuse Biixi ee ah in uu Hargeysa ka dago Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya, waana booqasho Taakhiiri ah.

Madaxweynaha JFS ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay Raaligalin Qaran oo ku wajahan Shacabka & Madaxda Somaliland duqeyntii ay u geysatay Xukuumadii Kacaanka Milateriga.

Golaha Wakiilada & Guurtida Somaliland ayaa loo gudbiyey qodobkan.

Ra’isul Wasaaraha dowlada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in uu wado qorshe uu isugu soo dhaweenayo Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland.

Abiy Axmed ayaa dhawaan magaalada Adis Ababa ku kulansiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi, kulanka labada masuul ayaana laga bixin faah faahino badan.