Isbadal lagu sameeyey Hugaanka Sare Ciidanka NISA qaybta Galmudug:- (Sawiro)

February  16, 2020 (Awdinle Online) –Waxaa isbadal lagu sameeyey Hugaanka Sare ee Ciidanka NISA qaybta Galmudug waxaana taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Qaranka Qaybta Galmudug loomagacaabey Mahdi Cumar Muumin oo waqti dheer ku soo dhexjirey Hay,adda Nabad Sugida Soomaaliya gaar ahaan Qaybta Gobolka Banaadir oo uu Xilil kala duwan Kasooqabtey.

Waxaa Xilkaan laga qaadey Cabdi Maxamuud Jaamac (Cabdi Dheere) oo kamid ahey Aas-aasayaashii Hay,ada Nabad Sugida Qaranka Qaybta Galmudug oo la Aas-aasay 2015 Sidookale taliye Cabdi Dheere waxa uu Xilal kala duwan ka sooqabtey isla hay,adaan waxa uuna isbadal muuqda oo lataaban karo kasameeyey Ha,adda Nabad Sugida Galmudug mudadii uu Xilkaan hayey asaga oo dib u sooceliyey tayadii Ciidanka Nabad Sugida markii Xilkaan loo soo magacaabey dhamaadkii 2018 oo Galmudug uu Khilaaf Xoogan madaxdeeda uu kadhexjirey.

Maalmaha soo socda ayaa lafilayaa inuu Xilka taliye Cabdi dheere ku wareejiyo taliyaha Cusub ee Nisa Mahdi Cumar Muumin.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com