Koonfur Galbeed oo Yeelan Doonta Baarlamaan Cusub

February 16, 2020 (Awdinle Online) Gebi ahaanba Koonfur galbeed gaar ahaan Magaalooyinka Baydhabo Xudur iyo qeybo ka mid ah deegaannada maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka soconaya kulamo looga arinsanayo soo xulista xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Guddiga farsamada uu dhawaan magacaabay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya wax-garadka iyo odayaasha maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka oo ay kala tashanayaan qorshaha soo xulista xildhibaannada cusub.

Guddiga xulista Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay u kala qeybiyeen Saddex qeybood oo  kala ah, Xubno qabilsan xalinta khilaafaadka, Xubno qaabilsan dhinaca Maaliyadda iyo fududeynta wixii loo baahdo iyo kuwo diyaarinaya Xubnaha  la soo xulayo,isla markaana ay diiwaan gelinayaan.

Horaanta Bisha Maarso ee sanadkaan 2020 ayaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo howlaha xulista Baarlamaanka koonfur Galbeed,iyada oo Magaalada Baydhabo iyo deegaannada kale ee xorta ah ay ka socdaan kulamo ku saabsan xulista Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed.