Maamulka Degmada Dolow Somaali oo la kulmay Saraakiil Ka Socda hay ada WFP:- (Sawiro)

February  16, 2020 (Awdinle Online) –Maamulka Degmada Dolow Somaaliya Ee Gobolka Gedo, Ayaa Kulan La Qaatay, Saraakiil Ka Socotay, Haayada Cuntada Aduunka Ee Qaramada Midoobay, WFP Oo Goor Dhawayd Soo Gaaray Degmada Dolow Somaaliya

Kulanka Oo Ka Dhacay, Xafiiska Maamulka Magaalada Dolow Ayaa U Jeedadiisu Ahayd, Ka Warqabka Iyo Caawinta Dadka Ku Soo Barakacay Degmada Dolow, Iyadoona Labo Xaro Barakac Oo Waweyn Ay Ku Yaalaan Duleedka Degmada

Madaxa Xiriirka Mashaariicda Haayadaha Maxamed Xuseen Cabdi Lafeey Iyo Gudoomiyaha Degmada Dolow Bashiir Xasan Cabdulahi Iidle Ayaa Waftigani Ooga Warbixiyey Xaalada Dhabta Ah Ee Ka Jirta Kaamamka Kabasa Iyo Qansaxleey Ee Ku Yaalo Duleedka Degmada Dolow, Iyo Sidii Loo Caawin Lahaa

Dhanka Kale, Madaxda Ka Socotay, Haayada WFP Ayaa Waxay Maamulka Ugu Mahad Celiyeen Sida Ay U Soo Dhaweeyaan, Iyagoo Dhanka Sheegay, In Wixii Awoodooda Ah Ay Caawin Donaan Dadka Somaaliyeed Oo Magaalada Ku Soo Barakacay

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com