Maqaal:-Waa Maxay Dowladnimo – Qeybta 3AAD

February  16, 2020 (Awdinle Online) –Saddexdii xaddaaradood ee saddexda wabi ee aynu soo xusnay ka hirgalay ba dawladnimadoodu waxa ay ku bilaabatay magaalo-dawladeedyo yaryar. Tusaale ahaan xaddaaraddii Mosepotamian-ku waxa ay ka koobnayd magaalo-dawladeedyo dhawra oo ay ugu mudnayd Uruk.

Dhulkii Masaarida oo ay ka hirgashay xaddaaraddii Faraaciintu sidaas oo kale ayay ku bilaabatay tuulooyin iyo magaalo-dawladeedyo yaryar. China sidaas si lamida ayay iyadu na ahayd. Ku dhawaad afar kun iyo shan boqol oo sano ka hor ayaa magaalooyinkii yaryaraa ee Mosepotamian-ku waxa ay isu baddaleen dawlad sal-ballaaran kaddib markii uu boqor magaalo-dawladeed oo la oran jirey Sargon uu intii kale xoog ku qabsaday. Dawladihii magaca ka tagey ee waawaynaa ee dhulkaas ka hirgalay waxaa ka mid ahaa: Sumeriankii, Babloniyaankii iyo Asyriankii.

Sidaas oo kale ayaa magaalooyinkii yaryaraa ee Masartii hore oo markii hore u kala qaybsanaan jirtay labada qaybood ee Masarta sare iyo tan hoose ugu midoobeen dawladdii wayneed ee faraaciinta, ka dib markii uu Boqor Namar, shan kun oo sano ka hor uu xoog iyo dagaal isugu keenay. Taas oo markii dambe dhashay dawladihii xoogga badnaa ee dhulkaas ka hanaqaaday.

Inkasta oo kunkii koobaad ee miilaaddiga Ciise ka hor ay China ka jireen dawlado yaryar oo kala madax bannaan, haddana markii dambe waxaa hal dawlad isugu geeyey Boqor Qin Shi Huang laba kun iyo shan boqol oo sano ka hor. Midawgaan ayaa sababay xaddaarad iyo dawladnimo cammiiq ah oo gayigaas ka hirgashay.

Goobahaaan iyo goobo kalaba waxaa ka hirgalay dawladnimo aan ku dhisnayn nidaamkii qabaliga ahaa. Waxaa ka hirgalay nidaam dawladeed oo leh hay’ado dawli ah. Nidaam Bureaucratic ah, canshuurta qaada, leh ciidammo mushaariya, isticmaala dublamaasiyadda lehna diiwaanno xogta dawladda lagu kaydiyo. Nidaamka noocaan ahi markii dambe waxa uu ka curtay dhul badan oo aakhirkii ay ka hirgaleen dawladihii: Hititkii, Giriigii, Persiankii, Romankii iyo Axumite-kii.

Xilligii Imbaradooriyadaha

Geeddigii dawladnimada loogu jirey intaas kuma ekaan ee waxaa soo baxay dawlado ka sal-ballaaran kuwii hore.

Ka dib markii awooddii, ilbaxnimadii, waayo-aragnimadii iyo garaadkii aadanuhu uu kordhay ayaa qaybo ka mid ah dawladahaan ku hammiyeen in ay caalamka ba iyagu dawlad u noqdaan. Waa xilligii Imbaradooriyadda( Empires).

Waxaa ugu mudnaa Imbaradooriyadahaan middii Persianka oo iyadu liqday dhulkii Mosabatanianka, Hititka iyo qaybo ka mida dhulkii Giriigga aakhirkiina qabsatay dhulkii Faraaciinta xilligii Cambaysess II qarnigii lixaad ciise ka hor.

Quwaddii Persianka waxaa aakhirkii jilbaha dhulka u dhigay xoogaggii Giriiga ee uu hoggaaminayey geesigii reer Masadooniya Elexander the Great, oo ka fara maroojiyey dhamaan dhulalkii ay ka talinayeen, saddex qarni dhalashadii Ciise ka hor. Giriiggu kuma ekaan dhulkii ay ka qabsadeen Persianke ee waxay u tallaabeen dhan walba illaa ay ka gaareen xudduuda Hindiya.

Dawladdii Salka Ballaarnayd Ee Rome

Imbaradooriyadihii qadiimka ahaa waxaa ugu dambeeyey oo soo afmeeray tii ugu xoogga iyo itaalka roonayd ee Romanka. Waa middii uu salka u dhigay Empror Augustus, labaatan iyo toddoba sano Ciise ka hor oo ka talinaysay Yurubtii la yaqaanay, Afrikada waqooyi iyo qaybo ka mida bariga dhexe iyo turkiya. Romanku intii aysan noqon Empire-ka ka hor waxa ay ahaayeen jamhuuriyad baarlamaaniya oo ay talada leeyihiin Senat ka koobnaa dabaqadda sare iyo horjoogayaashii hore ee ciidamada.

Nidaamkaan waxa uu ahaa mid ay ka dhaxleen Giirrigii oo iyaga uga horreeyey.Rome mar walba waxa ay ka soo horjeeday nidaamka boqortooyada ee halka qof awoodda leeyahay, sidaas daraadeed ayay u lahayd gole xeerdajin oo iyagu leh talada.

Kolka dibadda looga soo duulo waxa ay dooran jireen kaligi-taliye muddo cayiman wax xukuma. Kolka ay khatartu dhammaato na kaligi-taliyahu golaha ayuu ka mid noqon jiray. Cabsidii Rome ee ahayd in kaligi-taliye awoodda marooqsado, waxa ay run isu baddashay kolkii kaligi-taliye muddo cayiman lahaa Janaral Sulo uu dhiigyacab isu baddalay.

Argaggaxii laga qaaday xukunkii Sulo waxa ay sabatay in Janankii isaga ka dambeeyay oo ahaa Julias Ceser ahaana kii ugu magaca dheeraa Jananadii Rome soo maray, shirqool lagu khaarijiyo afartan iyo afar sano Ciise ka hor, kolkii looga baqay in uu Sulo kale noqdo. Dhimashadii Ceser ka bacdi Rome waxa ay gashay cahdi dagaalo sokeeye iyo qalalaase siyaasadeed ah, ka dib markii uu Gaius Octavius Augustus oo ahaa wiil uu Ceser korsaday oo gacan ka helaya Janaraal Mark Antony uu dagaalo ka aarsiya ku qaaday raggii diley adeerkii.

Dagaaladaani waxa ay sababeen in Rome u ogolaato Augustus wax aysan u ogolaan Sulo iyo Cesar toona, oo ah in uu noqdo Empror aan dhicin 27BC. Augustus waxa uu horseed ka noqday dawladdii salka balaarnayd ee Rome ee mar caalamka qabsatay.

Inkasta oo xaddaaraddii dawladnimo ee ka bilaabatay dhinacyada wabiyada Dajla iyo Furaat ay dhul badan ku fidday, haddana waxaa jiray dhulal aysan dawladnimadu taaban oo dadkoodu u noolaayeen qaabkii marxaladda qabaliga. Dhulalkaas waxaa ka mid ahaa Jaziiradda Carabta, Africa marka laga reebo dawladdii Kushite-ka, middii Axumite-ka iyo Phoeniciankii Tunis.

Waxaa kale oo iyana dhaqato nidaamkoodii qabaliga ahaa ku haray ahaa inta badan dalalka yurubta maanta gaar ahaan qabaa’ishii Germenigga oo ayagu markii dambe qarnigii 5aad Ciise ka bacdi dawladdii Romanka jilbaha dhulka u dhigay iyaga oo ah raacato aan xaddaarad lahayn.

Meelihii aanay dawladnimadu ka jiriin noloshoodii dawlad la’aanta ahayd ayay ku sii jireen illaa ay u imaanaysay hadba qolo xoog ku qabsata oo ka saaraysay qaab nololeedkii badwiga ahaa ee ay ku dhaqmayeen.

Waxaa jiray qabaa’il aan wali xoogna lagu qabsan dawladi na si kale ku soo gaarin, kuwaas oo aynu annagu ka mid nahay gadaal ayaynu uga hadli doonaa ee bal marka hore aynu eegno dadyow badan oo raacato ahaa, nuurkii islaamku na dawladnimo u horseeday.

Awdinle Online kala soco qaybta 4aad.