Waa maxay sababta Kenya ku diidan tahay in Madax furasho la siyo kooxda haysata dhaqaatiir u dhalatay Cuba?.

February  16, 2020 (Awdinle Online) –Dowladda Kenya ayaa iska diidday soo jeedin ka timid Dowladda Cuba oo la xiriirta in Madax furasho laga bixiyo labada dhaqtar ee u dhashay Dalka Cuba kuna afduuban Gudaha Soomaaliya Soomaaliya ku dhawaad hal Sano.

Miguel Díaz-Canel,Madaxweynaha Waddanka Cuba ayaa ku xigeenkiisa  Inés María Chapman Waugh u xil saaray in uu dowladda Kenya  kala xaajoodo suurtagalnimada in Dhaqaatiirta Madax furasho laga dhiibo si loo soo badbaadyo naftooda, hayeeshee Dowladda Kenya ayaa iska diiday soo jeedintaasi.

Warar hoose oo warbaahinta loo dusiyay ayaa sheegaya in Dowladda Cuba ay go’aansatay in Dhaqaatiirta ay ka bixiso lacag gaaraysa $1.5Milyan oo doollarka Mareykanka ah taas oo la siinayo kooxda afduubka u heysta Dhaqaatiirta u dhalatay dalka Cubba.

DowladdaWadanka  Kenya ayaa horay u sheegtay in siyaasaddeeda arrimaha dibadda aysan kun jirin bixinta lacagaha Madax furashada ee la siiyo koodxa Afduubka ka gaysta Gudaha dalka Kenya.

Kenya ayaa tuhunsan in Kooxda Afduubka u haysata dhaqaatiirta u dhalatay Cuba ay Xariir la leeyihiin Al shabaab,waxa ayna sheegtay in Ciidamadeedo ay xoog ku soo furanayaan dhaqaatiirka reer Cuba oo lagu haysto Soomaaliya.

Dowladda Cuba ayaa dhaqaatiirtaas u dirtay Kenya sanadkii 2018kii, kaddib markii Dhaqaatiirta Kenya ay shaqo joojin ku dhaqaaqeen Dowladda Kenyana dibadda kala timid dhaqaatiir Ajanabi ah.

Labada Dhaqtar ayaa 12kii April 2019 laga qafaashay agagaarka Mandheera waxaana lala galay gudaha Soomaaliya sida ay sheegtay dowladda Kenya,inkastoon la hayn Cadaymo dheeraad ah oo muujinaya in lagu hayo guddaha Soomaaliya.

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com