War Cusub:-Ardayda puntlan oo loo ogolaaday in ay qaatan shahaada dowlada somaliya

February  16, 2020 (Awdinle Online) –Ilo’ xog-ogaal ah oo ka tirsan madaxtooyada Puntland, ayaa warbaahinta Awdinle Online u xaqiijiyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si rasmiya u ogolaatay bixinta Shahaadada Ardayda Reer Puntland.

Saraakiil diiday in magacyadooda la xigto oo ku sugan madaxtooyada Puntland, ayaa sheegay in arrintaas ay dadaal badan ku bixiyeen xildhibaanno iyo mas’uuliyiin xilal ka haya Xukuumadda Federaalka oo ka soo jeeda degaannada Puntland.

Sidoo kale, waxa dadaal kaas lamid ah sameeyay qaar kamid ah isimada ugu caansan Puntland, oo magaalada Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiina dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana cadaadis ku saaray in mustaqbalka Ardayda Puntland aan loo xannibin arrimo siyaasadeed.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo xalay khadka Taleefonka kula hadlay madaxweyne Deni ayaa u xaqiijiyay in Xukuumadda Federaalku ay ka laabatay go’aankii ay ku xannibtay Shahaadada Ardayda Puntland.

Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Puntland, ayaa ka wada-hadlay arrimaha  farsamo ee ka harsan dhammaystirka is-fahamka laga gaaray Shahaadada Ardayda Puntland.

Janaayo, 30, 2020 (HOL) – Waalidiinta ardayda dugsiyada sare ee Puntland ayaa soo saaray baaq ay uga dalbanayaan  dowladda federalka iyo maamulka Puntland in aan siyaasad loo adeegsan xaqa carruurtooda u leeyihiin inay helaan shahaadadooda waxbarsho.

30 Janaayo e sanadkan ayaa Waalidiinta oo Garowe kula hadlay saxaafada ayaa codsaday in si degdeg loogusoo fasaxo ardayda shahaadooyinka ka maqan yihiin islamarkaana aan mugdi la galin dadaalka ay soo wadeen 12 sannadood oo waxbarasho ah.

Waalidiintu waxay ka digeen arintaan haddii ay sii socoto inay keeni karto in ilmahooda  ay tahriibaan islamarkaana uu mugdi galo mustaqbalka ay ku taamayeen muddada dheer.

In ka badan shan kun oo arday oo sannadkii hore ka baxday dugsiyada sare ee Puntland ayaa weysan shahaadadii ay tacliinta sare ugu gudbi lahaayeen, wallow qaar kamid ah ay Muqdisho u doonteen kana helay shahaadooyinkoodii.

Khilaafka Puntland iyo dowladda federalka ayaa saameyn ku yeeshay dhinacii waxbarashada ee arrimaha bulshada.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com