Madaxweyne Deni oo Magacaabay Guddiga Qaban-qaabada shirka aayo ka tashiga Puntland

February 18, 2020 (Awdinle Online ) – Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Mudane Saciid Cabdulaahi Deni ayaa magacaabid u sameeyay Gudiga Qaban qaabada shirka aayo ka tashiga Puntland, ka hor inta uusan maanta u safrin dalka Jibuuti halkaas oo uu sheegay inuu ka helay casuumaad uu u sameeyay madaxweynaha Jibuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Wadatashigan ayaa ujeedadiisu yahay, sidii looga tashab lahaa mustaqbalka Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hir-galinta hanaanka Federaaleynta Soomaaliya.

Xubnaha uu madaxweynaha magacaabay ayaa waxay kala yihiin,

1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda _ Gudoomiye.

2. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada _ Gudoomiye ku-xigeen.

3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha _Xubin.

4. Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha _ Xubin.

5. Laylo Cabdi Cartan, Lataliyaha Madaxwaynaha _ Xubin.

6. Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan _ Xubin.

7. Mahdi Siciid Xasan, Xildhibaan _ Xubin.

8. Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, Bulshada rayidka _ Xubin.

9. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Bulshada rayidka _ Xubin.

10. Axmed Cabaas Axmed, Bulshada rayidka _ Xubin.

11. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe), Bulshada rayidka _ Xubin.

Sida la rajeynaayo wada tashiga waxaa loo badinayaa in ay kasoo baxaan go’aamo walaac badan ku dhaliya Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Warar sugan kala soco awdinle.com