Saraakiisha NISA oo kulan uga socdo Dhuusamareeb, markii uu gaaray Macalin Mahdi

Saraakiisha Hay’adda NISA ee Galmudug ayuu xilligan shir ay albaabada u xiran yihiin uu uga socdaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Kulankan oo uu ka socdo Xarunta Hay’adda Nabad Suggida ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa yimid, ka dib markii uu galabta magaaladaasi gaaray Taliyaha cusub ee Nabad Suggida Galmudug, Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi).

Taliyaha oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa safarka ku wehliya Taliyihii isaga ka horeeyay, Cabdi Maxamuud Jaamac (Cabdi Dheere).

Taliyihii hore ayaa waxaa maalmo ka hor xilka ka xayuubiyay Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, isaga oo ku soo bedelay Mahdi Cumar Muumin, oo in muddo ahba ka shaqaynayay Taliska NISA ee Magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulanka uu yahay mid is barasho ah, iyadoo dhinaca kalena looga hadlayo xaqiijinta amniga Xarunta Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb

Imaanshaha Taliyaha cusub ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli maalmihii la soo dhaafay ay ka jirtay magaalada xaalad kacsanaan ah, oo ka dhalatay booqashadii Madaxweyne Qoorqoor ee Xarumaha Ciidamada Dowladda ku leeyihiin magaaladaasi iyo warkii ka soo yeeray Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunna.

Xaaladda magaalada ayaa tan iyo shalay ku soo laabatay mid caadi ah, ka dib markii Odayaasah Dhaqanka Galmudug ay bilaabeen dadaalo, ay ku kala dhexgalayaan labada maamul ee magaalada ka jira.