Wararkii ugu dambeeyay xaaladda magaalada Gaalkacyo & amniga oo la adkeeyay

Puntland ayaa Ciidamo dheeraad ah geysay Magaalada Gaalkacyo qeybta ay maamusho ka dib markii ay kordheen falalka Amni daradda ah ee ka jira Magaalada Gaalkacyo.

Ciidankaan ayaa lagu arkaya Xaafaddaha kala duwan ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in Ciidankaan qaarkood laga keenay Magaalada Garowe si ay qeyb uga noqdaan xasilinta Gaalkacyo.

Rag hubaysan  ayaa xalay toogasho ku dilay Cabdiraxmaan Nuur Gureey Geesdiir oo ahaa oo guddoomiye ku xigeenka xaafadda Garsoorka.

Dilalka Magaalada Gaalkacyo oo ay wada maamulaan Galmudug iyo Puntland ayaa kordhay bilooyinkii ugu dambeeyay, waxaana labadda maamul ay sheegeen in ay qaadi doonaan tilaabo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.