Safiirka Soomaaliya ee Sudan iyo ku-xigeenkiisa oo isku Dilay Gudaha Safaaradda

February 20, 2020 (Awdinle Online) – wararka ka imaanaya magaaladda Khatuum ee caasimadda jamhuuriyadda dalka suudaan ayaa sheegey in maanta arin layaab leh ay ka dhacdey gudaha safaaradda soomaaliya ee khartuum, ka dib markii uu dagaal gacan ka hadal ah oo aad u balaaran uu dhex maray Safiirka iyo ku-xigeenkiisa oo lagu kala magacaabo Maxamed Sheekh Isxaaq iyo Cumaan Axmed Maxamed (Cusmaan dheere).

Dagaalka gacan ka hadalka ah ayaa waxaa uu ka dhacay gudaha safaaradda gaar ahaan xafiiska safiirka, waxaa lagu soo waramayaa in dhaawacyo waaweyn ay isku geysteen safiirka iyo ku-xigeenkiisa.

Wararka ayaan istaas kusii darayan in waayahan dambe ay dhibaatooyin dhanka wada shaqeyn la’aantah ay ka jireen labada shaqsi.

Ilo lagu kalsoon yahah oo ka mid diplomaasiyiinta ka shaqeeya safaatadda ayaa inoo xaqiijiyey in safiirka iyo ku-xigeenkiisaba loola cararay isbitaal, ayna isku geysteen dhaawacyo waaweyn.

Dhacadadan waxaa goob ka ahaa Booliska dalka suudaan oo ay waceen qaar ka mid ah diplomaasiyiinta safaaradda, Booliska ayaa safiirka iyo ku-xigeenkiisa iyagoo dhiig ka da’aaya.

Wixii intaas ka dheeri dib ayaan kasoo sheegi doonaa. Warar sugan kala soco awdinle.com