Wasiir Cawad oo Magacaabey Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda

February 20, 2020 (Awdinle Online) – War iminka ina soo gaaray ayaa sheegeya in danjire Maxamed Cali Nuur loo magacaabay Xoghayaha Joogtadda ah ee Wasaaradda Arimaha Dibadda.

Maxamed Cali Nuur ayaa horey u ahaa xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha xiligii labaad ee Cumar Cabdirashiid ee 2015 / 2016, wuxuu kaloo ahaa danjiraha dowladda soomaaliya u fadhiga itoobiya Addis Ababa iyo midowga Africa.

Danjire Maxamed Cali Nuur ayaa hadda ahaa danjiraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u fadhiya dalka aan walaalaha nahay ee jamhuuriyadda Djibouti.

Wasiir arrimaha dibada Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta Maxamed Cali Nuur u magacaabay xoghayaha wasaaradda arimaha dibadda isagoo fulinaya amarka Ra’iisul wasaaraha.

Halkan ka akhriso warqada magacaabidda