Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Xariga Ka Jaray dhismaha xarunta Cusub Ee Maamulka Degmada Baydhabo:- (Sawiro).

February  22, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen ) ayaa Maanta xariga ka jaray dhismaha xarunta Cusub Ee Maamulka Degmada Baydhabo.

Wasiirka xanaanada xoolaha , wasiir ganacsiga , wasiirka arimaha gudaha ,wasiirka maaliyada  iyo  Guddoomiyaha degmada baydhabo iyo mas’uuliyiin ka tirsan mamulka ayaa ka qeybgalay munaasabada xarig jarista.

Xarigjarka kadib ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  iyo xubnaha mamulkiisa  ayaa kormeer ku sameeyeen qeybaha ay ka kooban tahay xaruntan.

Madaaxweynaha ayaa Waxaa uu ugu baaqay Shacabka ku nool magalada baydhabo ee xarunta gobalka bay  inay Ciidamada kala shaqeeyaan sugida Amniga xarunta degmada.

Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen ) ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan dadkii kaalinta weyn ka geystay dhismaha xarunta Cusub Ee Maamulka Degmada Baydhabo. si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed .

Dhismaha dhismaha xarunta Cusub Ee Maamulka Degmada Baydhabo waa qeyb ka mid ah horumarka dalka ka socda waana inaan ku dhiirinaa hay’adaha iyo shaqsiyaadka suurtogeliyey dhameystirka iyo qalabeynta xarunta.”

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com