Dhageyso:-Laamaha amaanka dowlada somaliya oo qacanta ku dhigay koox burcad ah

February  23, 2020 (Awdinle Online) –Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay howlgal qorsheysan oo amni xaqiijin ah ka fuliyeen Xaafado ka tirsan degmada Dharkenleey ee Gobolkan Banaadir,kadib Cabasho ay Maamulka u gudbiyeen dadka Shacabka ah.

Howlgalka oo uu hor kacayay guddoomiyaha degmada ayaa waxaa la sheegay in lagu soo qabtay Koox Burcad ah oo dadka Shacabka ah dhac u geysan jirtay laba qoray ay wateen iyo Mindiyo qeyb ka ahaa waxyaabaha ay dadka ku dhici jireen.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Dharkeenleey Abuukar Axmed Cadow ayaa sheegay in xilliyada habeenkii ay roondo ku sameeyaan waaxyaha kala duwan ee degmada si ay uga hortagaan Kooxaha dhaca u geysanaya dadka Shacbaka ah.

Waxaa uu sheegay in tallaabada howlgalkaan uu amray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish),isla markaana ay kordhin doonaan howlgallada ka dhanka ah dadka Shacabka ah dhaca u geysanay.

Si kastaba howlgalkaan ay Ciidamada Booliska Soomaaliya ka fuliyeen Xaafado ka tirsan degmada Dharkeenleey ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay Bulshada ku nool ay ka cabanayeen Kooxo hubeysan oo xilliyada habeenkii dhac u geysanaya.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com