Dhageyso:-Madaxweyne Lafti-gareen oo Xariga ka jaray waddo Laami ah 

February  23, 2020 (Awdinle Online) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen )  ayaa maanta  xadhigga ka jaray waddo laami ah oo laga hirgeliyey gudaha garoonka diyaaradaha shaati gaduud ee magaalada baydhabo.

Dhismaha Waddadan ayaa  gaadheya 250MT (MT) waxaana iska kaashaday dhaqaalaha ku baxay wadadas ganacsatada reer baydhabo  iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha oo ka hadlay  munaasabada xarig ka jarka ayaa boogaadiyay tayada wadada taasoo uu sheegay in loo dhisay si heersare ah.

“Aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa Wasaaradda gaadidka iyo duulista hawada iyo intii kale ee kala qayb qaadatay hirgelinta dhismaha waddadan aadka u quruxda badan oo aan isleeyahay inay tahay wadooyinkii magaalada horey uga jiray mid aad uga tayo wanaagsan, ugana qiima badan, waan ku faraxsanahay daahfurka waddadan aad u jeedaan bilicda kamuuqata iyo, tayada waddo ee meesha kamuuqata, aad iyo aad bay noo cajab gelinaysaa kuna faraxsanahay.” Ayuu yiri madaxweynaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen )   ayaa adkeeyey muhiimadda dhismaha wadadan oo ay ku burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com