Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta labaad ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda dalka:- (Sawiro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray xaruta labaad ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo laga hirgeliyay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Munaasabadda Xaruntaanoo muhiim u ah adeegyada kala duwan ee hay’addu ay bulshada u heyso ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan dowladda,agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda korneyl Maxamed Aadan Koofi,guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.